4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha sheegtayna inay Gaadiid gubeen

Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho oo gacanta ay ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Baanadir ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdi-raxmaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen ciidammo badan oo kuwa dowladda ka tisran.

"Mujaahidiintu waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah oo marayay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qarxay dagaal weyn oo khasaare badan ay kasoo gaartay cadowga," ayuu yiri Sheekh Abuu-C/raxmaan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ka dhul ballaaran oo ku yaalla deegaanka Ceelasha biyaha, isagoo aan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaartay dagaalkaas.

Dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaan ka hadlin dagaalkaas ay Al-shabaab guusha ka sheegatay, waxaana sidoo kale ay Al-shabaab sheegatay in dagaalkaas ay ku gubeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda.

Ceelasha biyaha oo ay horay u deggenaayeen dadkii ka barakacay Muqdisho ayaa waxaa gacan ku haynteeeda la wareegay bishii hore ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo sheegay inay ku adkeynayaan ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya