4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay xoog kusoo furatay Lamaane Koonfur Afrikaan ah oo afduub loo haystay


Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Wasiirka difaaca Soomaalia ayaa sheegay maanta in lamaane u dhashay dalka Koonfur Afrika oo kooxo burcad-badeed Soomaaliyeed ah ay afduubeen ku qabsadeen muddo 20-bilood laga joogo ayaa xorriyadooda dib loogu soo celiyay, waxayna labadan lamaane ay noqonayaan kuwii ugu waqtiga dheeraa oo Soomaaliya lagu haysto.

Deborah Calitz iyo Bruno Pelizzari oo dhoolla caddeynaya ayaa kasoo muuqday shir jaraa'id oo wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay ku qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan xorriyaddeenna dib u helno," ayay tiri Calitz oo suxufiyiinta la hadlaysay, waxayna hadalkeeda ku dartay: "Maanta aad ayaan u faraxsannahay waxaana dib ugu biiraynaa qoysaskeennii."

Lamaanahan oo muddo hal sano iyo sideed bilood ah gacanta ugu jiray kooxihii u haystay afduubka ayaa la sheegay in si xun loola dhaqmay, waxaana wasiirrada DKMG ah ay sheegeen in lagu soo furtay howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya.

"Waxaan maanta dunida oo dhan u sheegaynaa in ciidamada dowladda ay howlgal kusoo furteen lamaanahan oo gacanta ugu jiray Al-shabaab muddo 18-bilood ah," ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo saxaafadda la hadlay. "Howlgalka lagu soo furtay waxay socdeen xalay iyo saakay, waxaana qayb ka qaataan ciidamada milateriga iyo kuwa nabadsugidda."


Ma uusan sheegin wasiirku halka lagu haystay labadan qof iyo halka uu howlgalku ka dhacay, balse wuxuu diiday in lacago madax-furasho lagu soo daayay, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in madaxfurasho lacageed lagu soo daayay.

Afduubayaasha oo lamaanahan gacanta ku dhigay bishii Oktoobar ee sannadkii 2010 ayaa waxay ku xireen sii dayntooda 10-milyan oo doollar, balse lama oga dhaqaalaha lacageed ee laga bixiyay, mana jiraan warar kasoo baxaya dhinaca kooxihii afduubka ku haystay.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tani ay guul weyn u tahay dowladda, isagoo sheegay inay caddeynayso awoodda ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya