4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Dowladda KMG ah ku eedeeyay inay jartay xiriirkii wadashaqeyneed ee kala dhexeeyay Ahlusunna

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo ah urur taageera dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu dowladda ku eedeeyay dowladda inay jartay xiriirkii wadashaqeyneed ee kala dhexeeyay ururkooda.

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Axmed Cabadullaahi Ilka-case ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda KMG ah iyo Ahlusunna, balse ay dowladdu jartay xiriirkii wadashaqeyn ee kala dhexeeyay ururkooda.

"Annaga iyo dowladda KMG khilaaf nagama dhexeeyo, balse waxaa cad in dowladdu ay diiddan tahay inaan la shaqeyno," ayuu yiri Sheekh Axmed Ilka-case oo intaas ku daray in Ahlusunna ay mar walba diyaar u tahay inay la shaqeyso DKMG ah.

Mas'uulkan ayaa ku eedeeyay DKMG ah in si aan wanaagsanayn ay ula dhaqanto Ahlusunna Waljamaaca, isagoo sheegay in shirarka caalamiga ah ay ka qaybgeliso xubno ka shaqeeya xafiiska madaxweynaha oo shaar Ahlusunna loo geliyay.

"Gobollada dalka oo dhan Ahlusunna waa ka jirtaa, waxaana ka mid ah gobollada Banaadir, kuwa dhexe iyo Gedo, mana ogin mas'uuliyiin u matalaya shirka maanta ka furmaya Nairobi," ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdullaahi.

Ugu dambeyn, mas'uulkan wuxuu sheegay in shirarka dibadda dalka lagu qabto oo dhan laga qaybgeliyo xubno ay dowladdu wadato, taasna ay caddeyn u tahay in dowladdu aysan doonayn inay la shaqeyso Ahlusunnaada dhabta ah.

Gabgabadii hadalkiisa ayuu sheegay inaysan Ahlusunna ka qaybgalayn shirka Nairobi qodobabdii kasoo baxana aysan iyaga quseyn oo aysan fulinayn, iyadoo ugu baaqay madaxda dowladda inay hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya