4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Kalluumeysata ka Jallaabta Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose oo ka cabanaya shaqo la'aan soo food-saartay

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kalluumeeysatada ka jalaabata xeebaha gobolka Jubada hoose ayaa ka canabeysa shaqo la'aan soo foodsaartay kadib markii la gudo galay xilliga Badxiranka oo gobollada Jubooyinka looga yaqaan "Xilliga Kuusiga".

Maxamed Yuusuf Camaari oo kamid ah kalluumeysatada ka jallaabata xeebaha gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay lasoo darastay shaqo la'aan, isagoona xusay in la gudo galay xilligii dabeylaha, islamarkaasina ay adagtahay in doomaha kalluumeysiga ay ku safraan badda.

"Dabeylo ayaa badda ka kacay, wayna adagtahay in doomaha kalluumeysiga ay shaqo tagaan, xilliyada dabeylahana waxaa hoos u dhaca kalluunka laga helo badda," ayuu Hadalkiisii ku daray.

Aalaaba marka la gaaro xilliyadan oo kale waxa istaaga dhaqdhaqaaqa kalluumeysatada ka jalaabata gobolka Jubada Hoose, waxaana jiro boqollaal qoys oo ku dhaqan Jaziiradaha gobolka Jubada Hoose kuwaasoo ay noloshoodu ku tiirsantahay wax soo saarka dhinaca badda ah.

Dhanka kale waxa ay shaqo la'aan baahsan soo foodsaartay kumanaan muruqmaal ah oo ka xamaalan jiray marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, kadib markii ay istaageen doomihii ganacsi ee iman jiray magaalada Kismaayo, taasoo ka danbeeysay dabeylo xooggan oo xilliyadan oo kale ka kaca badweynta Hindiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya