4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Guddiga Qoraalka Dastuurka oo sheegay inuu dib u dhac ku yimid qorshe ay kusoo bandhigi lahaayeen Dastuurka

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Guddiga qoraalka dastuurka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu dib u dhac ku yimid qorshe ay ku doonayeen inay dastuurka kusoo bandhigaan, iyagoo sheegay in toddobaadka soo socda ya soo bandhigi doonaan.

Xubnaha guddiga oo la kulmay odayaasha dhaqanka iyo culummada ayaa u sheegay in sababo aanay xaqiijin uu dib ugu dhacay qorshihii ay kusoo bandhigi lahaayeen dastuurka cusub ee Soomaaliya.

"Guddigu waxay noo sheegeen inuu dib u dhacay illaa Sabtida soo socda qorshe maanta lagu soo bandhigi lahaa dastuurka si talooyin looga bixiyo," ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho oo goobjoog ka ahaa kulankii maanta.

Cabdullaahi Xasan Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka ayaa horay u sheegay inay maanta oo bisha Juun ay ku beegan tahay ay u soo bandhigi doonaan odayasha dhaqanka iyo culummada.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu jiray kulan dhexmaray ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya iyo guddiyada qoraalka dastuurka, iyadoo aan la ogeyn wixii kasoo baxay, waxaase guddigu ay sheegeen in cilladi ay haysato.

Guddiga qoraalka dastuurka ayaa waxay doonayaan inay dastuurka soo gudbiyaan si aragtiyo looga bixiyo markaas kaddibna loo ansixiyo, iyadoo ay horay u jireen cabashooyin ku aaddan dastuurka oo ka imaanayay qaybaha bulshada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya