4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Somaliland oo xubno cusub u magacowday Wadahadallada ay la yeelanayso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay inay u magacaabeen shan xubnood oo cusub oo uga qaybgalaya wadahadallo la filayo inay dhawaan ka dhacaan London oo ay la yeeshaan dowaldda KMG ah ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Somaliland isla markaana ah afhayeenka, Cabdi Yuusuf Ducaale ayaa sheegay inay kala hadli doonaan dowladda Soomaaliya mustaqbalka iyo wax wada-qabsiga, isagoo sheegay in go'aankii ay horay u qaateen ee ahaa inaysan ka go'een Soomaaliya uu yahay mid lama taabtaan ah.

Xubnaha ay Somaliland magacowday waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Cabdullaahi Cumar, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland
  2. Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada
  3. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID
  4. Xirsi Xaashi Cali, Wasiirka madaxtooyada.
  5. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka wafaafinta Somaliland wuxuu sheegay in go'aanka ay kaga go'een Somalia inteeda kale uu yahay mid ay gaareen shacabka Somaliland, kaddib markii dhinaato ay kala kulmeen midowgii ay Soomaaliya la midoobeen sannadkii 1960-kii.

"Shirkan waa gogol xaar, waxaana dhici doona shirar kale oo midkan xiga," ayuu yiri wasiirka wafaafinta Somaliland oo sheegay in madaxbanaanidii ay ku dhawaaqeen ay tahay mid lama taabtaan aysanna kala hadli doonin xubnaha ka socda DKMG ah ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siiyay BBC-da isagoo ku sugan Nairobi uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan wadahadalladii dhexmari lahaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya