4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Odayaasha-dhaqanka oo Muqdisho loogu qabtay Tababar ku saabsan Isku-xirka iyo sidii Bulshadu u wada-noolaan lahayd


Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Tababar lagu baranayay sida dadku isugu xirmaan iyo sida ay bulsho caddaalad wax ugu qeybsato ayaa Muqdisho loogu soo gaba-gabeeyay odayaasha dhaqanka qaarkood.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday haya'dda Swedish International Development Agency (SIDA), Forum SYD, Somali Development Foundation (SDF) iyo Bulal Self Help Organization (BULSHO) waxaana lagu qabtay hoolka midowga ardayda oo ku yaalla Muqdiho.

"Waxaa tababarkan lagu baranayay xuquuqda aadanuhu isku leeyahay iyo sida ay caddaalada ugu wada-noolaan karaan," ayuu yiri mas'uul ka mid ah haya'daha fuliyay siminaarkan.

Waxaa kaloo tababarkan lagu baranayay sida loo xalliyo khilaafaadyada ka dhaca bulshada dhexdeeda iyo sidii aysan u soo noqon lahayd is-tixgelinta bulshada iyo inay nabad ku wada noolaadaan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashii dhexmaray doodo, iyadoo lagu booriyay odayaasha dhaqanka inaan la yasin haweenka isla markaana wax laga siiyo shaqooyinka intii suurogal ah.

Ugu dambeyn, hay'adaha siminaarka soo qabanqaabiyay ayaa waxay sheegeen inay tababar noocan oo kale ah qaban doonaan marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan haddii Alle idmo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya