4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo sheegay Inuu booqanayo Degmada Afgooye

Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Ergayga xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay maanta in uu booqanayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Dajire Mahiga ayaa wuxuu sheegay in booqashadiisa ay ku timid casuumaad uu ka helay taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Afgooye, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo arko waxa ka socda degmadaas.

"Waxaan doonayaa inaan booqdo Afgooye, sarkaalka ciidamada AMISOM ayaa igu casuumay si aan u soo arko waxa ka socda halkaas. Afgooye waa meel muhiim ah oo uu maro webiga Shabeelle, waana guushii ugu weynayd ee ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay gaaraan," ayuu yiri dajire Mahiga.

Ma uusan sheegin dajire Mahiga muddada ay booqashadiisu qaadanayso, iyadoo la ogyahay in degmada Afgooye uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dajire Mahiga, ayaa sheegay in booqashadiisan ay tahay mid uu aad ugu faraxsan yahay, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobay uu booqdo deegaan ka baxsan Muqdisho.

Ugu dambeyn, dajire Mahiga wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya wuxuuna xusay in sidoo kale ay ku talinayaan in howlaha dhiman lagu dhameystiro inta ka horreysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya