4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Cid walba oo kasoo baxaysa Kooxda Al-shabaab waan soo dhaweynaynaa"

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo bishii hore ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab ayaa sheegay in cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab ay soo dhaweynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ku celinayo hadalkan oo uu dhowr jeer oo hore ka sheegay warbaahinta, isagoo ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada Al-shabaab inay kasoo laabtaan dariiqa ay hadda ku socdaan.

"Qof walba oo kasoo laabata jidka qaldan waan soo dhaweynaynaa. Saraakiisha dowladduna waxay ku howlan yihiin sidii ay u soo gudbin lahaayeen qof walba oo doonaya inuu kasoo goosto Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in degmada Afgooye uu u joogo sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka degmadaas, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Sheekh Shariif uu ku hoydo meel ka baxsan Muqdisho tan iyo markii xilkan loo doortay sannadkii 2009.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Afgooye imaado mar kale, waxaana dadaal u geli doonaa sidii ammaanka degmada lagu sugi lahaa, waayo howl marka la qabanayo waxaa wanaagsan in la dhameystiro oo aan meelo-meelo wax looga tegin," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waa markii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu tago degmada Afgooye, iyadoo xalay uu duleedka degmadaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg yahay, waxaana la maqlayay hugunka madaafiicda iyo rasaasta fudud ee ay dhinacyada dagaalamaya is-dhaafsanayeen, inkastoo xaaladdu ay saakay tahay mid deggen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaalkan waxaa ku wehlinaya saraakiil ciidan iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda KMG ah, iyadoo la xusuusto in booqashadii middan ka horreysay ay xoogaga Al-shabaab ku weerareen madaxweynaha jidka u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye kaasoo uu ka badbaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya