4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)

Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC. Kooxaha tartankaan ka soo qayb-galay ayaa waxay ka kala yimaadeen Boston, Minnesota, Rochester NY, OHIO iyo Winnipeg. Kooxdan SOMALI UNITED shan (5) jeer  u soo baxday cayaarta kama dambeyste ee FINALKA.

Cayaartaas oo ay ka soo qayb-galeen dadweyne aad u farabadan kana kala yimid meel fog-fog (London, Minnesota, Ohio) iyo dhammaan magaalooyinka ku xeeran Toronto ayaa wax ka dhex muuqday Cartoonistaha weyn AMIIN CAAMIR oo ka yimid magaalada Edmonton, Cabdiraxmaan Yabarow madaxa laanta afk-Soomaaliga ee VOA iyo Axmed Guure, Madaxa shabakadda Hiiraan Online. Sidoo kale waxaa goobtaas ka muuqday dad magac weyn ku leh Isboortiga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Shiino Guhaad, Daahir Cali Kulane iyo Inj Baana. Waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay  Xildhibaano laga soo doorto gobolkan Ontario.-

Tartanka SOMALI WEEK  ee sannadkan 2012 ayaa muuqday kii ugu wanaagsanaa ee la qabto muddooyinkii u dambeeyey. Faarax Oday oo ah guddoomiyaha ururka TODAY iyo Cantur Jeenyo oo ah madaxa guddiga qaban-qaabada ee SOMALI WEEK oo u waramayey Hiiraan Online ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee uu tartankan ku dhammaaday. Waxayna intaa ku dareen in ay ku rajo weynyihiin in sidaan iyo si ka wanaagsan ay marti-galindoonaan sannadada soo socda.

Macalim Muuse ayaa soo bandhigay tartan orodada ah oo loo qabtay carruurta yar-yar ee ku nool magaalada Toronto.

Guddiga qabanqaabada sannadkan oo si wanaagsan u soo abaabulay ayaa waxaa ka mida ahaa Mukhtaar Cuti, Oday Mursal, Cabdi Aadan Jabriil, C/rizaaq Cismaan Maxamuud (Cadi), Baashi Cali Baashi, Muusi Dhiblaawi (Abit Muuse), C/rashiid Xasan Xersi (Bakin), Maxamed Ganneey, Axmed Abuukar (Axmedey B) iyo Maxamed Faarax Dabdamis.

Waxaa ciyaaraha xiriirineyey  UK, Xasan Duki iyo Axmed Mire.

Wariyeyaasha sida weyn uga qaybqaatay waxaa ka mid Maxamed Daahir Xasan maamulaha TV muuqaalka Somalida iyo Idaacadda codka beesha, Cali Bakri, Ibraahim Daandureey (VOA).

Sayid Khaliifa, Bashiir Cali Xuseen iyo Cawaale ayaa halkaas ka qaaday heesooyin wadani ah.

Mahad Carabow Cali
Hiiraan Online
Toronto, Canada
[email protected]