4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Guddiga Wanaag farista Somaliland oo shacabka weydiistay in loosoo sheego meelaha dadka aan soomin cuntooyinka loogu kariyo

Isniin, July 23, 2012 (HOL) — Guddiga wanaag-farista Iyo Xumaan Reebista ayaa bilaabay olole ka dhan ah ma soomayaasha caadaystay inay bisha la sooman yahay aan soomin, kuwaas oo meelo qarsoodi ah cuntooyin loogu sameeyo.

Guddidan wanaag farista iyo xumaan reebista oo hawlgalkaasi ay ku soo qabanqabanayeen dadka cuntooyinka u sameeya ma somayaasha ayaa ka hadlay, waxaanay dadweynaha ka codsaday in meel looga soo wada jeedsado cid kasta oo isku dayda in ay xaraan kariso.

" waxaynuna u baahanahay in aynu kawada shaqayno sidii wixii Xun oo dhan ula dagaalami lahayn, sidaasi darteeda Guddidu waxay ka hawlgashaa Gobolada Somaliland oo dhan iyo Caasimada, waxa ay gudidu tageero ka heshaa waa Dadweynaha iyo Booliska aad ayey u mahadsan yihiin, waxa kasta oo Xumaan sameynaya iyagaa noo soo sheega."ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka guddida wanaag farista Xaaji Cawil Xuseen Cali, waxaanu intaas ku daray "Waxaynu bilawnay Ololihii aanu kula dagaalamaynay Dadka Caadeysta bisha Ramadaan in ay Meelahaasi ku kariyaan Rashinka Xaaraanta, sidaasi darteed waxaanu hawlgalkii ka bilownay Xarunta Doox Hargeysa oo ahaan jiray meelaha ugu badan ee Xaaranta lagu kariyo, runtii hawlgalkayagaasina si fiican ayuu u soo dhamaaday".

Guddomiyaha Hawlgalinta iyo la Dagaalanka Fawaaxishka Cumar Xaashi Guuje oo Tilmaamay in Hawlgalada Meelaha ugu badan ee ay ka fuliyaan ay tahay Daami, Fooqa Jajabka, Dooxa Hargeysa, iyo Xarunta Xisbiga iyo Goobo kale oo badan, Waxanu sheegay in hawlgalkoodu uu socdo Ilaa Wakhtiga uu Waagu baryo ilaa Salaada Casar, waxaanu Bulshada reer Somaliland ka codsaday in ay la soo xidhiidha haddii ay Arkan Goobo Lagu karinayo Xaaraanta bisha barakaysan la cunayo.

Sanad kasta bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa guddidan wanaag farista iyo xumaan reebistu dagaal kula jiraan goobaha ma soomayaashu ku qarsadaan cuntooyinka ee cuntadda lagu kariyo, iyadoo adeegsanaya ciidamadda amniga, kuwaas oo xabsiga loo taxaabo kuwii cuntadda cunayey iyo kuwii karinayeyba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland