4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo gargaar afurin ah gaarsiisay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
HORMUUD.jpg

Axad, July 22, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxay maanta gargaar afurin ah gaarsiisay maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdihso iyadoo gargaarkaas lagu wareejiyay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil iyo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta DKMG ah, Axmed Xasan Gaboobe.

Taliyaha iyo wasiirka ayaa shirkadda Hormuud uga mahadceliyay deeqdan, taasoo isugu jiray 140 loor oo oo bariis, 20 kartoon oo saliid ah, 30 kartoon oo cabitaan ah, 55 xabo oo timir ah; taasoo loogu talogalay in bisha barakeysan ee Ramadaan lagu afuriyo maxaabiista faraha badan ee ku jira xabsiga dhexe.

"Shirkadda Hormuud waa middii ugu horreysay ee deeq noocan oo kale ah soo gaarsiisa maxaabiista ku jira xabsiga dhexe, runtiina waa mid aan uga mahadcelinayno," ayay yiraahdeen wasiirka owqaafta iyo taliyaha ciidanka asluubta.

HORMUUD3.jpg

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ku jira maxaabiis fara badan oo qaarkood ay ku xukuman yihiin dil toogasho iyo kuwo ku xukuman sannado kala duwan oo xarig ah, iyadoo tani ay noqonayso deeqdii ugu horreysay oo la gaarsiiyo bishan Ramadaan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay deeq gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka; iyadoo shirkadda lagu xusuusto inay dhowr jeer oo hore gargaarro kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

HORMUUD4.jpg
HORMUUD2.jpg
HORMUUD5.jpg
HORMUUD6.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya