4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Shariif Xasan oo sheegay inuu ka qaybgalayo Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya, kana hadlay eedeyntii loo jeediyay

Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo dhici doona bisha Ogoosto ee soo socota, isagoo sidoo kale iska fogeeyay eedeymihii ay u soo jeediyeen guddiga baarista Qaramada Midoobay.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuusan doonayn inuu isku sharraxo xilka afhayeenka baarlamaanka oo uu hadda hayo, isagoo sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono inuu ka qaybgalay doorashada madaxnimo ee dalka.

"Inaan doorashada madaxnimo ka qaybgalo waan rabaa; laakiin waqtigii aan ku dhawaaqayo lahaa inaan murashax ahay ayaa dhiman," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaguna ka mid ah dadka u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, waxaana tirada murashaxiinta ay sii caga-cageynaysaa 20-qof oo ay ku jirto hal haweeney ah.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu iska fogeeyay eedeyn musuqmaasuq oo ay u soo jeediyeen guddiga baarista ee Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay eedeyntaas inay tahay mid aanay waxba ka jirin.

"Eedeyntan waa mid dano gaar ah laga leeyahay, ujeeddada laga leeyahayna waa mid lagu doonayo in lagu qariyo waxqabadka dowladda, waayo dhaqaale aan dadka ka ururinay ayaan wax ku qabannay," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya oo u warramayay VOA-da.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dhaqaalaha lagu eedeeyay inay lunsadeen aanay waxba oolin, wuxuuna xusay in karti iyo dadaal ay muujiyeen madaxda dowladda ku qabteen howlaha dowladda iyagoo gacan ka helaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga baarista Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay madaxda ugu sarreysa Soomaaliya inay lunsadeen hanti fara badan oo loogu deeqay Soomaailya, waxaana lagu wadaa in warbixintan ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodaan bishan dhammaadkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya