4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in dib u dhicii ku yimid shirkii Ansixinta Dastuurka ay sabab u tahay kala aragti duwanaan jirta

Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha odayaasha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho uu uga socdo shirka ayaa sheegay inay codsadeen in la saxo qaladaadka dastuurka jira ka hor inta aan lasoo xulin ergagada ansixinta dastuurka.

Nabaddoon Xaad ayaa sheegay arrintan ay tahay midda ay isku hayaan iyaga iyo madaxda dowladda ay tahay in la saxo qalalaadka dastuurka iyo in lasoo xulo ergadii ansixin lahayd, isagoo xusay inay jiraan aragtiyo kala duwan.

"Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo aan badnayn, odayaashu waxay dalbadeen in la saxo qaladaad ka jira qabyo-qoraalka dastuurka, inta aan lasoo xulin ergada ansixin lahayd dastuurka," ayuu yiri Xaad.

Isagoo ku baaqay inaan la fududeysan talooyinka odayaasha dhaqanku ay soo jeedinayaan, sidoo kalena aan laga horimaan soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee ku aaddan in la saxo dastuurka.

"Dastuur ay ummaddu ku qanci karto in la helo ayay odayaashu doonayaan mana ahan in talooyinkooda la fududeysto, mana habboon in la yiraado waxaas talo kuma lihidiin ee waxaas sameeya. Caafimaadku wuxuu ku jiraa in dastuurka la saxo, sidoo kalena ay shaqadu xulidda ergooyinku socoto," ayuu Xaad ku sheegay wargeysi uu siiyay saxaafadda.

Hadalka nabaddoonka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu dib u dhacay shirkii la doonayay in lagu soo xulo ergada ansixinta dastuurka lana ansixiyo dastuurka, taas oo uu wasaaradaha dastuurka iyo arrimaha guduhu ku sheegeen inay keentay cillado farasamo oo ay ka mid yihiin ergadii oo aan lasoo dhameystirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya