4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Kooxo hubeysan oo degmada Dharkeynley ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga DKMG Soomaaliya
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana kooxaha dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadaan halkaas.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hillowle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo.

"Sarkaalka waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Muuse waxaana la dilay isagoo ka yimid meel ciyaar lagu fiirsanayay, waxaana dilay kooxo bastoolado ku hubeysan oo baxsaday dilka kaddib," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynley.

Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga galbeed, iyadoo ay saakay degmadaas ka socdaa baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka sarkaalka geystay, inkastoo aysan weli jirin koox sheegatay mas'uuliyadda dilkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday ka dhacayay dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsanayo dadka shacabka, suxufiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay mas'uul ka tahay dilalka loo geysto shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada, balse ma jirto cid sheegata inay mas'uul ka tahay dilalka saxafiyiinta iyo shacabka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya