4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Puntland oo ka Warbixisay Dagaal Ciidamadooda iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Boosaaso
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Sugurre ee duleedka Boosaaso.


Col. Khaliif wuxuu xaiqijiyay in xoogagga Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe soo weerareen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Sugurre, isagoo sheegay inuu soo gaaray khasaare xooggan, iyaguna ay khasaare u geysteen xoogaggii Al-shabaab.
 
"Dhanka Puntland waxaa dagaalka uga dhintay 10-askari, dhinaca Al-shabaabna waxaan kaga dilnay toddoba dagaalyahan oo afar ka mid ah maydadkooda aan gacanta ku hayno," ayuu yiri wasiirka ammaanka Puntland.

Afarta mayd ee ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ayaa saxaafadda lagu tusay isbitaalka Boosaaso, iyadoo wasiirku uu sheegay in saddex mayd oo kale ay ku aaseen goobtii dagaalku ka dhacay maadaama lasoo qaadi waayay.

Dowladda Puntland ayaan ka hadlin dhaawacyada soo gaaray askarteeda balse illaa lix askari oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa yaalla isbitaalka degmada Boosaaso, halkaasoo lagu daweynayo, waxaana askartan ay ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Sugurre.

Ugu dambeyn, wasiirka ammaanka Puntland, Col. Khaliif Ciise wuxuu hambalyo u diray ciidamada Puntland ee difaaca ku jira, isagoo kuwa ku dhintay Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno siiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya