4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Hillary Clinton oo Isbital la dhigay kadib dhaawac madaxa kasoo gaaray

Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay isbital ku yaal magaalada New-york ee dalka Mareykanka kadib markii la ogaaday in dhiig xijiro ah uu u fariistay madaxa.

Dhaqaatiirta Mrs. Clinton ayaa sheegay in dhiig xinjiro ah laga helay madaxeeda taasoo ay sheegeen in ay ka danbeeysay jug dhawaan kasoo gaartay madaxa kadib markii ay si xun dhulka ugu dhacday.

Afhayeenka Mrs. Clinton Phillippe Reines oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaqaatiirta gaarka ah ee Mrs.Clinton ay sheegeen in madaxeeda ay ka heleen xinjir taasoo ka dhalatay jug dhawaan kasoo gaartay madaxa, wuxuuna xusay in imika la daweynayo.

“Dhaqaatiirteeda waxay ku dadaali doonaan xaaladeeda caafimaad iyo weliba hadii ay jiraan arimo kale oo la xiriira jugta madaxa ka gaartay, waxayna go’aamin doonaan hadii loo baahanyahay tallaabooyin dheeri ah,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Haweeneydani oo da’deedu tahay 65-sano jir ayaa dhawaanahan la xanuunsanayd virus ay ku fuuqbaxday oo kaga dhacay caloosha, kaasoo ay la suuxday islamarkaasina sababay in ay dhulka ku dhacdo oo ay jug ka gaarto madaxa.

Mrs. Clinton ayaa la filayaa in ay isbitalka ku jiri doonto 48-saacadod ee soo socota, iyadoona mudadaasi dhaqaatiirtu ay la tacaali doonaan xaaladeeda caafimaad.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya