4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Wasiirka Amniga Puntland oo ka digay in Hoteellada lagu qabto shirar looga soo horjeedo Ammaanka Puntland

Axad, December 30, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Bari, islamarkaana uu kasoo qayb galay wasiirka amniga Puntland, ayaa maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo khudbad dheer goobta ka jeediyey ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya ammaanka Puntland iyo weliba hirgelinta axsaabta.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in ammaanka sugiddiisa laga wada shaqeeyo, wuxuuna dad-weynaha magaalada Boosaaso ku amaanay inay yihiin dad si fiican laamaha ammaanka ula shaqeeya.

"Amnigu waa nolol, haddii uusan amni jirin nabad looma seexdeen, hadii aan shacabku nala shaqeynna waxba nooma qabsoomeen, dadka amniga khatarta ku ah yaan lasoo dhoweysan" Col. Khaliif ayaa yiri.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa xusay inay jiraan dad uu ku tilmaamay fidmo-wadayaal aan bulshada metelin oo ku howlan carqaladeynta hir-gelitaanka nidaamka axsaabta. "Ayaamahan waxaa jira dad meelahaas tegaya oo leh dadkaan metelnaa, maaha dadkaasi dad la dirsaday, waxay wadaan waa dhib! hadii aysan ka joogin, waxaan leenahay ka daaya, hadii ay ka deyn waayaan sharcigaa la marsiinayaa."

Ugu daynbeyntii wuxuu maamuleyaasha Hoteelada ugu baaqay in aysan ogolaan in Hoteeladooda lagu qabto shirar aan munaasib ahayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Hoteelada shir aan sharci ahayn waa inaan lagu qaban, shir lagu duminaayo qarankeena waa inaan lagu qaban, ciddii ku qabatana sharci-darro ayay sameynaysaa, waana lagula xisaabtamayaa".

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii u danbeeyey ay ciidamada Boolisku hor joogsadeen kulamo ay qaybo mucaaridka ka tirsani ku yeelan lahaayeen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]  
Puntland, Soomaaliya