4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Xoghayihii 1aad ee safaaradda Djibouti ee China oo geeriyooday

Isniin, December 03, 2012(HOL): Safaaradda Soomaalida ee Shiinaha iyo dhammaan Ganacsatada iyo ardeyda soomaaliyeed ee ku nool dalka China  ayaa si wada jir ah, tacsi ugu diray Ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka. Marxuumka ayaa  shalay ku geeriyooday Choayang Hospital ee magalada Beijing  ee Dalka China.

 

Marxuum Axmad Cusmaan ayaa ahaa shaqsi Soomaalida oo idil ay si aad ah u jeclaayeen, ahaana nin karti badan oo aan ka daalin wax u qabadka dadka soomaaliyeed, waxaa rabi uga baryeenaa in uu jannadii fardawso ka waraabiyo ehelladii qarabadii iyo ummada soomaaliyeedna ilahay Samir iyo iimaan ka siiyo Amiin Amiin.

 

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane oo qoraal nagu soo gaarsiiyay warka geeriyooday xoghayihii koowaad ee Safaaradda Jabuuti ayaa wuxuu tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jabuuti oo uu uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Marxuum Axmed Cusmaan.

 

 

Cawaale Cali Kullane

Sii hayaha Safaaraadda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha