4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya si su'aalo loo weydiiyo

Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan si ay u weydiiyaan su'aalo ku saabsan Xarigga wariyihiin BBC-da iyo kireyntii safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in labada wasiir looga baahan yahay inay illaa lixda bishan ay ku yimaadaan baarlamaanka hortiisa si su'aalo loo weydiiyay.

Xidhibaanada baarlamaanka ayaa waxay horay ugu yeeray labadan xubnood, iyadoo xilligii loo qabtay uu ku ekaa shalay oo Axad ahayd, waxaana maanta mar kale loo sameeyay muddo kordhin uu ugu yeerayo baarlamaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Max'uud Xaaji Fiqi ayaa sida aan xog hoose ku heleyno waxaa wax laga weeydiin doonaa wariyihii BBC-da oo todobo maalmood u xirnaa maxkamadda ciidamada, su'aasha la weydinayana waxay tahay maadaama wariyuhu uusan ciidan ahayn sababta xukun la'an uu todobo maalmood u xirnaa.

Wariye  Ibraahim Max'ed Aadan ayaa maalin ka hor laga sii daayay xabsiga,, kadib dadaal ay sameeyeen wafdi ka socday idaacadda  BBC-da oo Muqdisho gaaray.

Wasiiradda arimaha dibadda ayaa la filayaa in wax laga weeydiiyo sababta loo kireeyay safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga iyo in ay wax ka ogtahay wasaaradda arimaha dibadda, hadii aysan wax ka ogeyna sababta ay uga hadli weyday wasiiradda arimaha dibadda arinta kireynta.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay la xisaabtami doonaan xukuumadda cusub, iyadoo labadan wasiir ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee baarlamaanka looga yeero tan iyo markii la ansixiyay golaha wasiirrada bartamihii bishii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya