4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la sii wado Adeegyada ee uu Isbitaalka Baladweyne u hayo Bulshada
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay hay’adda MSF Swiss si kama dambeys ah u joojisa howlihii ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arinta ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan.


Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fitaax Xassan Afrax oo booqday isbitaalka isaga oo u kuur-galaya xaalada bukaanada jiifa ayaa sheegay in ay maamulka uu madaxda ka yahay ku dadaali doono sidii loo sii wadi lahaa howlaha isbitaalka uu u hayo bulshada ilaa inta laga hellayo hay’ad kale oo la wareegta.

"Waxaan ugu baaqeynaa ganacsatada, qurbo joogta, iyo dadka wax heysta ee  ku dhaqan gobollka in gacan laga wada geysto sidii ay suurtagalin in uu isbitaalka sii shaqeeyo," ayuu yiri C/fataax Afrax.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha Hiiraan in howsha isbitaalka oo joogsata micnaheeda noqonayo khatar caafimaad oo soo wajahi karta bulshada gobollka oo hadda siweyn ugu tiirsan adeegyada uu bixiyo isbitaalka.

"Annaga kaali ayaan ka geysan doonaa socodsiinta howlaha ama adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka, waxaana ka taageeri doonaa oo aan bixin doonaa bil kasta dhaqaallaha ku baxaya biyaha, shidaalka, iyo waliba nadaafada isbitaalka," ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Isbitaalka magaalada Baladweyne ayaa bil kasta adeeg caafimaad siin jiray dad ku dhaw 1000 ruux oo isaga kala iman jiray qeybaha uu gobollka ka kooban yahay iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Baaqa uu jeediyay guddoomiyaha gobollka Hiiraan ee ah in la sii wadi doono howlaha isbitaalka ayaa sare u qaadaya niyada bukaanada hadda ku jira isbitaalka oo markii hore wal walka ah in albaabada leysugu dhufan doono madaama ay meesha ka baxday hay’addii gacanta siin jirtay ee MSF.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyn, Soomaaliya