4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
SHEEKH AXMED MADOOBE: “Ma jiro khilaaf u dhexeeya Maamulka Kismaayo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya”

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, Sheekh Axmed Maxamd Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo.

Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay in la dhammeeyay dhammaan kihlaafkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo, haddana uu xiriirka labada dhinac yahay mid aad u wanaagsan.

“Khilaafkii ku dhexjiray dowladda iyo maamulka aan guuddoomiyaha u ahay wuu dhammaaday, balse warbaahinta maxaliga ah ayaa inta badan arrintan ka sheega warar aan sax ahayn,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo intaa ku daray in warbaahinta looga baahan yahay inay ka shaqayso nabadda iyo isku keenidda dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo.

Hadalka Sheekh Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: wasiirka arrimaha gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuuud Xaaji Fiqi, wasiirka cadaaladda iyo garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur iyo wasiirka warfaafinta C/llaahi Cilmooge Xirsi.

Wafdiga ka socda dowladda ayaa kulammo la yeeshay maamulka KMG ah ee uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta kale ee ku sugan Kismaayo, iyagoo qodobbadii ay kala hadleen ay ka mid ahaayeen xaaladaha magaaladaas oo Al-shabaab laga qabsaday bishii Oktoobar ee sannadkan.

Dhanka kale, afhayeenka kooxda Raaskambooni, C/naasir Seeraar ayaa isna sheegay in wafdiga dowladda ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan gobolka Jubbada hoose oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada isbahaysanaya oo ay ka mid yihiin kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Seeraar wuxuu sheegay in in wafdiga dowladda ka socda aysan kala hadlin maamul u sameynta Kismaayo oo ahayd arrin uu muran ka taagnaa tan iyo markii Kismaayo ay la wareegeen ciidamada huwanta ah.

Ugu dambeyn, afhayeenka Raaskambooni oo la hadlay idaacadda Bar-Kulan ayaa sheegay inaysan xubnaha wasiirrada ah ee ka socda dowladda Soomaaliya aysan kala hadlin in ciidamada kooxdooda ay ka mid noqdaan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya