4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM oo ka shiray Adkeynta naabad-galyada Gobolka

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM ayaa looga hadllay arrimo dhowr ah oo quseeya nabad-galyada guud ahaan gobolka.

 

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobollka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, iyadoo siweyn looga dooday sugida amniga magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee uu gobollka ka kooban yahay.

 

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay in leysku afgartay marka hore xoojinta nabad-galyada magaalada Baladweyne, oo ay si joogta ah uga howlgali doonaan ciidamo gaar ah iyadoo intaa kadibna loo gudbi doono qeybaha kale ee gobollka Hiiraan.

 

“Marka la xaqiijiyo lana hubiyo amniga magalada Baladweyne waxaa uu qorshuhu yahay in howlgal lagu sugayo nabad-galyada islamarkaana ka dhan ah Al-shabaab laga fuliyo qeybaha kale ee gobollka, arintaa waa leysku raacay,’’ ayuu yiri Axmed Inji.


Kulanka dhaxmaray labada dhinac mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa kulan todobaadkiiba mar ay isku xog wareystaan labada dhinac, si markaa loo sii hormariyo qorshaha nabad-sugida magaalada iyo guud ahaan gobollka.

 

Magaalada Baladweyne waxaa hadda si joogta ah uga howlgala ciidamo isugu jira kuwa maamulka gobollka Hiiraan iyo ciidamada Jabuuti ee AMISOM, iyadoo howlgalkaasi uu u muuqdo mid wax weyn ka badalay nabad-galyada magaalada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya