4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Xiisado dagaal oo ka taagan deegaanno dhanka galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay maanta ka taagan yihiin deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Kismaayo, halkaasoo ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa saaka u dhaqaaqay dhanka deegaanada Buulo-Xaaji iyo Cabdalla Biroole oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadan oo aad u qalbeysan islamarkaasina ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo weliba taangiyo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo maalmihii ugu danbeeyay ay ku diyaargaroobayeen, waxayna u dhaqaaqeen dhanka deegaanada Buulo-xaaji, C/dallada Biroole, Beerxaani iyo deegaano dhowr ah oo dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo halkaasoo ay ku xoogganyihiin dagaalyahannada xarakada Al-shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo, waxa ay saldhigyo ka sameysteen daafaha magaalada, waxaana deegaanada ku teedsan magaalada Kismaayo gacanta ku hayay xoogagga Al-shabaab, haseyeeshee waxa imika muuqata in ciidamada huwanta ah ay doonayaan in ay isku baahiyeen qeybaha kale ee gobolka jubada hoose, iyagoona dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Buulogaduud oo 30-KM dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo.

Dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab oo iyagu ku sugan meel aaan sidaa uga fogeyn garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa dhankooda wada diyaargarow dagaal oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka kusoo wajahan, waxaana laga cabsi qabaa in maanta uu halkaasi ka qarxo dagaal xooggan oo dhexmara labada dhinac.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee gobollada Jubooyinka oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisadaha kasoo cusboonaaday galbeedka gobolka jubada Hoose.

Xiisado kuwan lamid ah ayaa waxa ay ka taaganyihiin deegaanada dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya