4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Isbaheysiga Nabada Soomaaliya oo Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uusan Kenya kala hadlin Xaaladda Jubbooyinka


Axad, December 23, 2012 (HOL) — Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta eedeyn ugu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inuusan dowladda Kenya kala hadlin arrimaha gobollada Jubbooyinka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay rajo ka qabeen in hoggaanka dowladdu cusub ay la imaanayaan isbedel, balse nasiib-darro ma dhicin taas, waxayna madaxda la yimaadeen dib-u-dhac iyadoo dhisay xukuumad ka kooban 35-wasiir, halkii ay markii hore ku andocoodeen inay yareynayaan tirada golaha wasiirada.

"Madaxda dowladdu waxay yiraahdeen golaha wasiirrada waa lasoo koobayaa; laakiin waxba ma yareyn waayo xukuumaddii hore waxay ahayd 36-wasiir tana waa 35 waxbanaha isma dhaamaan," ayuu yiri guddoomiyaha isbahaysiga nabadda Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha isbahaysigan ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in guud ahaan ammaanka dalka uu gacanta kasii baxayo ayna muuqato amni-xumo halkii ugu sareysay 12-kii sano ee ugu dambeeyay. Isagoo sheegay in taasi ay daliil u tahay in shacabka ku nool gobollada ay dowladdu ka taliso ay maalin walba ka cabanayaan amni-darro iyo xad-gudubyo xuquuqul-insaanka ka dhan ah, iyadoo xukuumadduna aysan waxba ka qaban cabashada shacabka, waxayna xitaa awoodi wayday buu yiri inay sugto amniga madaxtooyada Qaranka oo maalin kasta madaafiic lagu weeraro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin in madaxweynuhu sheegay in dowladda Kenya uu heshiis la galay isagoo aan kala hadlin xaalada murugsan ee Kismaayo iyo dhibaatada ay Soomaalidu kala kulmaan safarka ay ku tagayaan dalka Kenya, iyadoo lasii marsiiyo xero militari oo ku taalla degmada Wajeer.

"Waa arrin xad-gudub ku ah sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed in baaritaan lagu sameeyo marka ay u socdaan Nairobi, iyadoo 20/12/2012 xildhibaanno Soomaliyeed lagu xir-xiray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta. Iyadoo aan ognahay in dadka Kenya u dhashay dalk ku galka ama fiisada lagu siiyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin," ayuu yiri C/llaahi Sheekh oo ka hadlayay siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha isbahaysiga nabadda ayaa intaa ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in Soomaaliya lagu soo celiyo qaxootiga ku sugan dalka Kenya iyadoo aanay jirin wax qorshe ah oo ay dowladdu u dejisay.

"Waa wax wanaagsan in qaxootiga lagu soo celiyo dalkooda; hase ahaatee kuwii halkaan ku barakacsanaa ayay gaajo haysaa oo lagu fashilan yahay in dib u dejin loo sameeyo, kuwa Kenya laga soo celineyso maxaa qorshe ah oo ay heysaa dowladu?" ayuu guddoomiyaha isbahaysiga nabaddu isweydiiyay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha isbaheysiga nabadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska madaxweynaha Soomaaliya uu la galay dhiggiisa Kenya aan lagu xusin qaabka loo wajahayo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo iyo cidda xaqa u leh inay hormuud ka noqoto maamul u sameynteeda.

"Waxaa socda qorshe maxkamdda sare ee dalka loogu magacaabayo guddoomiye cusub, waxaan ka digeynaa in xilkaas loo dhiibo mas'uul ka tirsan xisbiga madaxweynaha ee hadda madaxda dowladdu ay u badan yihiin, waxaa loo baahan yahay in xilkaas uu qabto qof sharciga daacad u ah oo cadaaladda ilaaliya ee aan loo dhiibin qof cid gaar ah maslaxaddeedda ka shaqeynaya," ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan, isagoo baarlamaanka Soomaaliya ku dhaliilay inay iska ansixiyaan wax walba oo ay xukuumaddu la timaado iyagoo aan wax badan eegin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha isbahaysiga nabadda Soomaaliya ayaa kusoo gabgabeeyay warsaxaafadeedkiisa in isbahaysigiisa uu yahay mucaarad aan hubeysnayn ayna ka go'an tahay inuu muujiyo dhaliilaha dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya