4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Hay'adda Amnesty oo sharci-darro ku tilmaantay Go'aankii Dowladda Kenya ay ku gaartay in Qoxootigu ku laabtaan Xeryaha
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Hay'adda caalamiga ah xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay go'aankii ay dowladda Kenya ku gaartay in qoxootigu ku laabtaan xeryaha mid ka horimaanaya sharciyada calaamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Amnesty ayaa sheegtay in alka Kenya ayaa waxaa ku nool 630,000 oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ka yimid dalka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya, iyadoo hay'addu ay sheegtay in xeryaha qoxootiga ay ku jirto ammaan-darro ayna qoxooti ku laaban karin.

"Dowladda Kenya waa inaysan ugu marmarsiyoon arrimo ammaanka ku saabsan dib u celinta qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah oo iyaguna dhibaateysan," ayuu yiri Kathryn Achilles oo ah khabiir ka tirsan xafiiska Afrika ee Amnesty.

Kenya ay toddobaadkii hore go'aan ku gaartay in qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga, iyadoo Amnesty ay go'aankan ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka horimaanaya xorriyadda ay dadku u leeyihiin inay meelo nabad ah aadaan.

"Go'aankan waa mid khatar ku ah xoriyadda dhaqdhaqaaqa dadka, waana mid si cad uga horimaanaya xuquuqda aadanaha, waayo xeryaha qoxootiga waa kuwo aanu ka jirin ammaan la isku halleyn karo," ayay ayuu yiri Achille.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in go'aanka ay dib ugu celinayso qoxootiga uu yahay mid ay ammaanka dalkeeda ku sugayso, kaddib qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo laga fuliyay magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid tahay Nairobi.

Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa iyaduna ku timaantay go'aankan mid ka horimaanaya sharciyada xaquuqda qoxootiga caalamka iyo dadka magangalyo doonka ah. Iyadoo hay'addu ay sheegtay inay Kenya kala hadlayso go'aankeeda.

Dhawaan ayaa sii hayaha xilka hay'adda arrimaha qoxootiga ee Kenya, Badu Katelo ayaa sheegay in la xiray dhammaan goobihii diiwaan-gelinta qoxootiga cusub ee soo galaya dalka Kenya, iyadoo UNCHR ay dhaliil u soo jeeisay go'aanka lagu xiray xafiisyada diiwaan-gelinta qoxootiga cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya