4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay afar qof ku dilay Deegaanka Dhadhaab-Kenya oo ay ku yaallaan Xeryaha Qoooxitiga
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa afar ruux siyaabo kala duwan ugu dilay xalay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku yaallaan xeryaha qoxootiga oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah.

Afarta qof ee la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen xoolo dhaqato, waxaana laba ka mid ah la dilay iyagoo xoolahooda la jooga, halka labada kalena la dilay xilli ay u gurmanayeen dadka la dilay, iyadoo sidoo kalena uu shaqaaqadaas ku dhaawacmay hal qof oo kale.

Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray kooxihii dilalka geystay oo markiiba meesha isaga baxsaday, balse booliiska Kenya ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kooxaha dilalkan geystay, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dilka u geysteen qaab aano beeleed ah, halka kuwo kalena ay sheegayaan inay ahaayeen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Guddoomiyaha deegaanka Dhadhaab Aadan Afmaroor oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay dhacdada isagoo ku tilmaamay mid aad looga naxo, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarka geystay.

Deegaanka Dhadhaab oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka jiray rabshado isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, inkastoo weerarradaas lagu eedeeyo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya