4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan laba Qarax oo xalay gilgilay Xaafadda Islii [Eastleigh] ee Magaalada Nairobi
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qaraxyo xalay ka dhacay Islii oo ka tirsan xaafadaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaaso ay deggen yihiin Soomaalida ku nool xarunta Kenya.

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro iyadoo lala beegsaday masaajid ay dad badan ku tukanayeen oo ku yaalla xaafadda Islii, sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan xaafaddaas.

"Weerarradu waxay ahaayeen kuwo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo si weyn looga maqlay magaalada Nairobi. Bambooyinku waxay ku dhaceen afaafka hore ee masaajidka Al-Amiin oo xaafadda Islii ku yaalla," ayuu yiri goobjooge ku sugan Nairobi.

Goobjoogahan ayaa sheegay inuu arkay dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex kale oo la saarayo gaadiidka caafimaadka ee loo yaqaan Ambalaasta, isagoo xusay in markii ay qaraxyadu dhaceen uu isgaartay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Inkastoo xaaladdu ay tahay saakay mid deggen haddana xaafadda Islii waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo Kenya ah, kuwaasoo baaritaanno ku sameynaya guryaha ku yaalla xaafaddaas.

Bartamihii bishan ayay ahayd markii bambooyin lagu weeraray dhowr goobood oo ku yaalla Nairobi, kuwaasoo uu ku jiray masjidka Al-Hidaaya iyadoo dadkii weerarkaas ku dhaawacmay uu ku jiray xidhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kaamakuunji oo ay Islii ku jirto.

Illaa hadda booliiska Kenya cidna kuma eedeyn qaraxyadii xalay ka dhacay Nairobi, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay, waxaase inta badan ay xukuumadda Kenya ku eedeysaa qaraxyada dhaca Xarakada Al-shabaab oo gudaha Soomaaliya ka dagaalanta.

Dhanka kale, dad badan oo Soomaali ah ayaa ka cararay magaalada Nairobi kaddib amar kasoo baxay xukuumadda Kenya oo ahaa in qoxootigu ay ku laabtaan xeryaha, taasoo keentay in dadka intooda badan ka dhoofaan Nairobi oo ay hanti badan ku lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya