4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Meydadka 20-qof oo tahriibayaal ah oo kasoo caariyey xeebta Boosaaso iyo in ka badan 30 oo la la'yahay [Sawirro]


Talaada, December 18, 2012 (HOL)- Ugu yaraan 50-qof oo tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, kadib markii ay dooni kula degtey deegaanka Mareera oo dhowr KM ka durugsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Meydadka 18-qof oo dadkaas kamid ah ayaa ka soo caariyey xeebta, waxaa sidoo kale nolol lagu helay 4-qof, iyadoo ilaa iyo hadda la la'yahay dad ka badan 30.

Meydadka soo caariyey waxaa la keenay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso; si eheladoodu ay u aqoonsadaan, waxaana intaas kadib aas-wadareed loogu sameeyey xabaalaha Biyo-kulule ee duleedka magaalada Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Puntalnd Marwo Zeynab Ugaas Yaasiin oo warbaahinta kula hadashay gudaha Isbitaalka ayaa tacsi u dirtay eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen, waxayna sidoo kale ugu baaqday dadka ku haminaya tahriibka in ay ka digtoonaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in dowladu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo xakameyn lahaa safarka tahriibta, islamarkaana ay ku guuleysatey in ay dhinto tirada dadka ka safraya xeebaha gobolka Bari ee kusii jeeda dhinaca dalka Yemen.

Dhinaca kale qaybta meyda ee Isbitaalka Bender-qasim ee magaalada Boosaaso waxaa maanta soo buux dhaafiyey boqolaal dadweyne ah oo u badnaa kuwo qaraabo la ah dadka shilkaas naxdinta badan ku geeriyoodey, waxayna haweeney kamid ahi HOL u sheegtay in ay shilkaas kaga geeriyootey gabar ay eedo u tahay oo iyada oo aan ogeyn ka dhuumatay.

Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaan aheyn kuwo ugub ku ah xeebaha Puntland, haseyeeshee 14-kii bishii Febaraayo ee sanadkan ayey ahayd markii sidan oo kale ay xeebaha degmada Laas-qoray uga soo caariyeen meydadka 30 tahriibayaal ah oo ay bad-weynta dooni kula degtey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya