4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Maamulka Somaliland oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Wadahadallada la sii wadaan dowladda Soomaaliya
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Jabuuti ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay dib u billowdaan wadahadallada, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yihiin sii socoshada wadahadallada.

"Xilliga iyo goobta ay dib uga billaaban lahaayeen wadahadallada weli wax go'aan ah lagama gaarin," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland, balse wuxuu xusay in Somaliland ay mar walba diyaar u tahay inay sii socdaan wadahadallada guulana laga gaaro.

Wadahadalladan ayaa billowday xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed waxayna wajigoodii koowaad ka dhaceen magaalada London ee xarunta dalka Britain, halka wajigii labaadna ay labada madaxweyne ee Shariif Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta bartamihii sannadkan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in lasii wado wadahadallada u billowday Somalia iyo Somaliland ay sii socdaan, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay inay noqon doonaan kuwo hadafkii laga lahaa laga gaaro.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya 1991-kii ayaa waxay tan iyo xilligaas ku jirtay dadaallo ay ku raadinayso in aqoonsi ay hesho, balse riyadaas weli kuma aysan guuleysan inay hirgasho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya