4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Shirkad Cusub oo Dhoofin Doonta Muuska oo laga Furay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya (SAWIRRO)

Axad, December 16, 2012 (HOL) —Xaflad xarigga looga jaray shirkad lagu magacaabo Fruitsome oo soo saari doonta islamarkaana dhoofin doonta Muuska ayaa maanta ka dhacday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaddan ayaa waxa aasaasay 11 xubnood oo aqoonyahanno Soomaaliyeed ah, waxaana qeyb ka ah khuburo ku takhasusay ganacsiga iyo suuq geynta, Saamileey,  beeraleey iyo ganacsatada Muuska Soomaaliyeed.

Cismaan Xayle Caruushe oo ah gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkadda ayaa ka warbixiyay waxyaalaha ku kalifay in ay furaan shirkadani, isagoona sheegay in kadib markii ay arkeeen baahida uu caalamka u qabo wax-soo-saarka dalka Soomaaliya gaar ahaan Muuska in ay go’aansadeen in lagama maarmaan ay tahay in la helo shirkad ka shaqeeysa ka ganacsiga muuska.

Sidoo kale Eng: Xasan Max’ed Faarax oo isna goobta ka aqriyay war-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayaa sheegay in shirkadani ay u furantahay qof walba oo Soomaali ah.

“Shirkadda Fruitsome waxay ugu baaqeysaa beeraleyda muuska Soomaaliyeed oo dhan, Qurba-joogta iyo hay’adaha dhaqaalaha in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka qeybqaataan maalgelinta iyo dhoofinta Muuska Soomaaliyeed,” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedkii shirkadda.

Shirkadani cusub ee soo saarista iyo dhoofinta Muuska ee Fruitsome ayaa xarunteeda weyn waxa ay ku taal Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxayna masuuliyiinta shirkadani ugu baaqeen ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan maalgelinta iyo dhoofinta Muuska.

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, beeraleyda Soomaaliyeed ma aysan helin wax dhiiri geliya wax soo saarkooda, waxayna arintaasi keentay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado dalagyadii kala duwanaa ee ay beeri jireen.

Shirkadani ayaa hadii ay shaqeyso waxa ay dhiirigelin weyn u noqon doontaa beeraleyda Soomaaliyeed, maadama dalka Soomaaliya uu caan ku yahay waxsaasoorka dhulka gaar ahaan Muuska oo xilliyadii hore loo iibgeeyn jiray qaar kamid ah wadamada caalamka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya