10/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya Degmada Jowhar ku Xukuntay Shan qof oo ay ku jiraan Askar


Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa shan qof oo mid ka mid ah lagu helay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah.

Shanta qof ee la xukumay ayaa afar ka mid ah waxay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolkaas, waxaana xukunku uu dhacay maanta oo Jimco ah.

"Maxkamadda ciidamadu waxay afar askari iyo ruux lagu helay inuu Al-shabaab ka mid yahay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah. Xukunkan waa midkii ugu horreeyay oo maxkamaddu ka fuliso degmada Jowhar," ayuu yiri Col. Liibaan Cabdi Yaroow oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Askarta iyo ruuxa la xukumay ayaa waxaa la qabtay shalay, waxaase ruux oo kale oo isagana lagu eedeeyay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ayay maxkamaddu sii daysay kaddib markii eedeymihii loo haystay loo waayay caddeymo.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa isaguna degmada Jowhar ka sheegay in maxkamaddu ay halkaas ka sameynayso xafiis lagu xukumo askarta dhibaatooyinka u geysta shacabka.

"Halkan (Jowhar) waxaan ka furaynaa maxkamad, waxaana uga digaynaa askarta inay dadka dhibaateeyaan, waayo askariga waa inuu ogaado inuu yahay mid u shaqeynaya shacabkiisa, balse ma ahan inuu dhac iyo dhibaato u geysto," ayuu yiri Jen. Muun-gaab.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya la wareegeen maalmo ka hor, waxayna ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadkan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/14/2012 3:21 PM EST
Nairobi, Kenya (HOL) - Hey’adda NONDO ayaa maanta qabatay shir dadka curyaamada looga dalbanayo iney dhaq dhaqaaqyada siyaasadda ka qeyb qaataan.

12/14/2012 11:25 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Cali oo kamid ahaa xubnihii wasiir ku-xigeennada ee shalay la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu jagada loo magacaabay.

12/14/2012 8:10 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay mas'uuliyiintii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya inay soo celiyaan gadiidka ay dowladdu leedahay ee weli ku jira gacantooda, iyadoo wasiiraddu ay sidoo kale ansixiyeen heshiis ay dowladda Turkigu ku horumarinayso ciidamada Soomaaliya.

12/14/2012 7:55 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax miino xilli halkaas dad haysta dhalashada dalka Kenya loogu qaybinayay kaararka looga qaybgalayo doorashada madaxnimo ee sannadka soo socda ka dhacaysa Kenya.

12/14/2012 6:41 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey xadhiga tifaftiraha wargeyska Waaheen oo shalay galinkii dambe loo taxaabay xarunta dambi baadhista ee magaladda Hargeysa.

12/14/2012 6:25 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ugu laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

12/14/2012 6:24 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — In ka badan Konton Murashaxiintii ku hadhay Tartankii Doorashada Golaha Deegaanka ee Somaliland ee u tartamayey degmadda Hargeysa, ayaa si weyn u cambaareeyey Gudida Doorashooyinka Qaranka, iyagoo ku baaqay in la qanciyo oo codkoodii dib loo tiriyo si ay ugu samraan.