4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kusoo laabtay iyo Dibadbaxyo lagu taageerayo oo socda


Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka iska casilay sannadkii hore, isagoo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada madxnimo ee dalka.

Dadweyne fara badan oo wata sawirkiisa iyo calanka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaradaha Muqdisho ee Aaadan Cadde, iyadoo sidoo kalena ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayo imaanshihiisa, kuwaasoo ay dhigayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

"Halkan waxaan u imid inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo oo dhici doona 10-maalmood gudahood, waxaana u mahad-celinayaa dadka sida diirran ee sharafta badan iigu soo dhaweeyay Muqdisho iyo ciidamada dowladda oo geesinimadooda muujiyay si uga hortageen kuwa nabadda diiddan iyo odayaasha dhaqanka oo aan uga mahadcelinayo xulista ergadii ansixintay dastuurka KMG ah," ayuu yiri Farmaajo oo saxaafadda la hadlay.

Ra'iisul wasaariii hore wuxuu sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu wax ka qaban doono ammaanka, dib u heshiisiinta iyo arrimo horumarinta dalka, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in loo dooran doono xilka madaxnimo ee Soomaaliya.


Dadweynaha soo dhaweeyay ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ka mid yihiin [Farmaajo soo dhawoow, dalka iyo dadka ayaa kuu baahasn iyo erayo kale] dadweynahan ayaa waxay ka yimaadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaan sidoo kale ka mid ah qaybaha sida aadka ah u taageersan ciidamada kala duwan ee dowladda KMG ah, kuwaasoo gaadiidka ay wataan ay ku dhajiyeen sawirka Farmaajo.

Mid ka mid ah dibadbaxayaashii taageerayay imaanshihiisa oo hadlay ayaa isaguna yiri: "Farmaajo waa Soomaali asal ah, waayo wuxuu kasbaday kalsoonida shacabka, sidaa daraadeed waxaan leennahay soo dhawow."

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa ololaha loogu jiro ka qaybgalka doorashooyinka madaxnimo ee dalka, waxaana inta badan ololayaashaas ka dhigaya caasimadda xubnaha ugu sarreeya dalka oo musharraxiin ah.

Maxamed Farmaajo ayaa wuxuu odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayna soo doortaan hoggaamiye wax ka qaban kara xaaladda uu dalku ku jiro.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa isku casilay 19-Juun-2011 heshiis ay ku qaybsanayeen awood oo 06-Juun,2011 ay madaxweyaha DKMG ah, Shariif Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan ku kala saxiixdeen xarunta dalka Uganda ee Kampala.

dhawayn2 (2).jpg








dhawayn4 (1).jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya