4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inuu farsamo ahaan diyaar u yahay Wax walba oo Suuro-gelinaya Nabad-gelyada Buuhoodle

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

Weftigan reer Buuheedle ee madaxweynaha la kulmey, ayaa lagu shegay ujeedada socdaalkoodda inay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanu sheegay in madaxweynuhu kulankaas hadal kooban uu ka jeediyey ugu muhadnaqay weftiga reer Buuhoodle aqbalaadda nabaddii uu madaxweynuhu hore ugu baaqay.


“ Madaxweynuhu waxa uu marka hore soo dhaweeyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi, waxaanu intaas ku daray “ Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay”.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Madaxweynaha waxa kulanakasi ku wehelinayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.


Weftigan uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Xagto toosiye ayaa habeen hore ka soo kicitimay Buuhoodle, halka wefti wasiiro iyo gudoomiyaha UCID iskugu jira kaga hortageen deegaanka Oog, halkaas oo markii dambe iskugu yimaadeen degmadda Caynabo oo shir balaadhan ku qaateen, waxaanay xalay isku soo raaceen magaaladda Hargeysa si ay madaxweynaha ula kulmi lahaaayeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland