4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay in Booliis ka socda Ururka Midowga Afrika ay ka howlgalayaan Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

Col. Xaamud ayaa sheegay inay ciidamadan si aad ah u shaqeyn doonaan marka ay billowdaan doorashooyinka madaxda sare ee baarlamaanka, isagoo xusay inay aad isugu xiran yihiin ciidamada Soomaalida ayna ka hortegi doonaan isku-day walba oo lagu arbushayo doorashooyinka.

"Dadaal badan ayaa socda waxaana ciidamada booliiska ee Afrika ka socda ay ka howgeli doonaan saldhigyada Muqdisho, waa laga yaabaa inay wax yar dhacaan, balse ciidammadu dadaal badan ayay muujinayaan," ayuu yiri Col. Xaamud.

Taliyaha ciidamada booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa soo dhaweeyay booliiska AMISOM ee ka howlgalaya Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay fursad weyn oo gacan ka geysan karta nabadeynta caasimadda dalka.



"Rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed waa inay helaan nabadgalyo iyo in laga qabto magaalada kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab ee is-qarinaya. Bulshada Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan inaad gacan ka siisaan sidii xasiloonida dalkooda loosoo celin lahaa," ayuu yiri Jen. Maye.

Dhanka, taliyaha ciidamada booliiska AMISOM, Dr. Charles Makono ayaa sheegay in ciidamadan oo tiradoodu tahay 140-askari ay ka yimaadeen dalka Uganda, sidoo kelana ay dalka Uganda ka imaan doonaan tiradan oo kale inta uusan sannadkan dhammaan.

"Howsha ugu ballaaran ee ay ciidamadan qabanayaan waxay noqon doontaa inay ka caawiyaan booliiska Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka Muqdisho. Waxay la sameyn doonaan roondooyin ciidamada booliiska Soomaaliya iyagoo adeegsanaya gaadiid gaar ah," ayuu yiri Dr. Makono.

Ciidamada booliiska ah ayaa shalay booqday saldhiggada degmooyinka Muqdisho qaa rka mid ah, waxayna noqonayaa markii ugu horreeyay oo ururka Midowga Afrika uu howgeliyo ciidammo booliis ah tan iyo markii la sameeyay ururka sannadkii 1963-kii, inkastoo magaca laga bedelay sannadkii 2002.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya