4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo fadhi aan caadi ahayn ku Ansxiyey wax ka bedelkii lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka


Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda oo Kalfadhi aan caadi ahayn maanta iskugu yimid, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

Ka hor inta aan la ansixin waxa fadhiga laga akhriyey waraaq codsi ah oo madaxweynuhu usoo qoray golaha Wakiiladdda si ay u eegaan xeerkan caqabadda ku noqday doorashooyinka Somaliland, ka dibna waxa uu gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro golaha usoo jeediyey inay cod u qaadan xeerkan, balse waxa arrintaasi ka hor yimid qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda, kuwaas oo sheegay in aan xeerka la dadajin ee la soo akhriyo ka dibna la iskugu yimaado, haseyeeshee, gudoomiyaha ayaa xoog ku muquuniyey oo sheegay in cod loo qaadayo, taasina waxay keentay in mudanayaashii aan raalidda ka ahayn in degdeg loo ansixiyo fadhigii ka baxaan.

Haseyeeshee, mudanayaashii iyagu rabay inay ansixiyaan xeerkan wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyey, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey inay sida Komishanka Doorashooyinku rabeen u ansixiyaan, isla markaana go’aankoodii hore ee ahaa in doorashadda calaamado lagu galo ay ka noqdaan, oo qaabkii Komishanka u rabay inay doorashaddu u dhaco ku meel mariyey.

Mudanayaashii iyagu diidanaa in aan degdeg lagu ansixin ayaa markii ay dibadda u baxeen sheegay in si jujuub ah lagu meel mariyey xeerka, isla markaana golaha Wakiiladdu jabiyeen xeerar dastuuriya, kuwaas oo ah in marka uu madaxweynuhu xeer ay hore u ansixiyeen ku soo celiyo wakhti la siiyo qiimeynta xeerkaasi la soo celiyey.

" 54 mudane ayaa ka soo xaadiray fadhigii golaha, waxaana ogolaaday wax ka bedelka xeerka lagu sameeyey 37 mudane, afar mudanana way diideen, 12 way ka aamuseen, gudoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayuu ku meelo maray" ayuu ku dhowaaqay gudoomiye Cirre codeyntii ka dib.

Si kastaba ha ahaatee, Xeerkan Doorashooyinka ayaa hore labada gale ee Xeer dejintu u qaadaceen qaabkii ay guddida doorashooyinku rabeen, taas oo muran ka abuurtay guddidda iyo labadda gole, haseyeeshee waxa murankaasi soo dhexgalay madaxweyneha oo golaha oo fasax ku jira codsaday in fadhi aan caadi ahayn la iskugu yimaado, dibna loo eego xeerkii hore uga soo baxay, maadaama oo caqabad ku yahay doorashooyinka, taasina waxay keentay in degdeg golaha Wakiiladdu u fadhiistaan una ansixiyaan xeerkaas, waxaase xeerkan ansixintiisa u hadhsan golaha Guurtidda oo iyana uu sii mari doonnaa.

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo shalay hadlay waxay baarlamaanka usoo jeediyeen in aanay caqabad ku noqon qabsoomidda doorashooyinka, isla markaana lagu ixtiraamo qaabka ay usoo diyaarsadeen inay doorashadu u dhacdo, mudanayaashuna u xalaaleeyaan wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka.



Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland