4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka dawladda Denmark u fadhiyi doona Somaliland


Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawladda Denmark ay xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa, isla markaana shaqadeedda ay si rasmi ah u bilaabayso.

Wasiirka ayaa wakiilkan cusub ee dawladda Denmark usoo dirtay Somaliland ku soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, isagoo aad uga mahadceliyey dawladda Denmark ee xafiiska ka furanaysa Somaliland.

Wasiirku oo dhoweynta wakiilkan cusub ka hadlayey ayaa xusay dawladda kale oo sidan oo kale xafiiso uga furanaysa isagoo tilmaamay dawladda Ingiriiska.

"Waxaa jirta in dalka Denmark uu si rasmi ah ka furtay safaarad, taas oo ah guul weyn oo Somaliland waxyaabo badan ka faa’iiddi doonto, kaas oo maantana wakiilkii u fadhiyi lahaa Somaliland uu dalka yimid , taas oo ka dambaysay wada hadal iyo booqasho ay labada dal isku arkeen waxayna noo tahay sharaf weyn in maanta saafaaraddan laga furo dalka."ayuu yidhi wasiiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyey wakiilka cusub ee Denmark u fadhiyi doono Somaliland.


" Xukuumadda talada haysa oo ay ka go’antahay in ay qadiyadda iyo horumarinta dalka ayaa tanina noqonaysaa horumar ballaadhan oo uu dalka gaadhay,"ayuu raaciyey Wasiirku.

Wasiirka arrimhada dibadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in dhawaan dalka Ingiriiskuna ka furan doono safaarad magaalada Hargeysa, kaas oo wakiilkii loo magacaabayna imandoono dalka Somaliland .

Wakiilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dawlad reer Yurub usoo dirto Somaliland, isagoo wasiirku sheegay in uu maantaba shaqadiisa bilaabi doonno.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland