4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Qarax Sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka DKMG ee gobollka Hiiraan ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii si lama filaan ah uu mid ka mid askarta geeriyootay ugu qaraxday Bam uu sitay, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Xaawa Taako ee magaalada Baladweyne.

Sida dad goob-joogayaal ah ay sheegeen qaraxa ayaa ahaa mid ka dhashay bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo uu sitay mid ka mid ah askarta geeriyootay kaddib markii ay si lama filaan ah ugu qaraxday.

"Labada askari ee geeriyootay mid ka mid ah ayaa Bamka sitay, si lama filaan ah ayuu Bamku uga dhacay, kadibn waxaa goobta ka dhacay qarax aad u xoogan," ayuu yiri qof ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadka dhaawaca ah oo dhamaantood ah dad rayid ah ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, halkaasoo dhaqaatiirtu ay kula tacaalayaan xaaladooda caafimaad.

Dhacdadan ay ku geeriyoodeen askarta ka tirsan ciidamada maamulka gobollka ayaan inta badan dhicin, iyadoo xalay ay siweyn uga argagaxeen dadka agta dhawaan goobta sida lama filaanka ah oo uu qaraxu u dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya