4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose oo sheegay in dilal iyo Qaraxyo ay ka dhaceen Marko balse ay Ammaanka adkeynayaan
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in qof rayid ah lagu dilay shalay gudaha degmadaas ayna ka dambeeyeen kooxo hubeysan, isagoo xusay in falalkaas ay qayb ka yihiin isbedelka maamullada, balse ay sugayaan ammaanka.

"Runtii lama qarin karo inay ka dhaceen degmada Qaraxyo ay ku dhinteen askari ka tisan ciidamada dowladda iyo qof rayid ah, balse waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan ku adkeyn lahayn ammaanka," ayuu yiri Siidii oo BBC-da la hadlay.

Degmada Marko oo 90-km koonfur kaga beegan Muqdisho ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya waxay ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo ka talinsaysay muddo sannado ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee degmada ay tahay mid aad u adag, sidoo kalena ay socdaan baaritaanno ay maalin iyo habeen sameynayaan ciidamada dowladda.

Mas'uulkii Al-shabaab ee gobolka, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo saxaafada la hadlay isagoo gobolkaas ku sugan ayaa sheegay in qaraxyo khasaare badan geystay ay degmadaas ku xireen markii ay ka baxayeen, ayna qorshaynayaan inay weeraraan degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya