4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Maxamed Ibarahim Xaabsade oo Arrimo Siyaasadeed ku tilmaamay sababta loogu diiddan yahay inay baarlamaanka ka mid noqdaan
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.

Xaabsade wuxuu sheegay in sababta loo haystoi ay tahay arrin siyaasadeed oo uu ku sheegay inay salka ku hayso inaanay codkooda siinayn murashaxiinta qaarkood, ayna qayb ka tahay ololaha siyaasadeed sababta loo hortaagan yahay.

"Dhammaanteen waxaa nalagu haystaa cod kama helayno, maxaa yeelay waa olole siyaasadeed oo la doonayo in meesha nalooga saaro, odayaashii dhaqanka ee nasoo xulay haddii ay dhahaan ma matashaan diyaar ayaan u nahay inaan meesha isaga tagno," ayuu yiri Xaabsade oo la hadlayay VOA-da.

Xubnahan oo shalay loo diiday in la dhaariyo ayaa waxaa loo saaray guddi goa'an kasoo gaaro muranka ku saabsan ka mid noqoshadooda baaralamaanka, iyadoo ku xigeenka labaad ee guddoonka baarlmaanka uu sheegay inaysan doonayn inay faraha la galaan arrimo la isku haysto.

Guddiga farsamada ayaa xubno uu ku jiro Xaabsade horay uga saaray liiska baarlamaanka, iyagoo xilligaas sheegay in loo haysto dambiyo dagaal oo ay kusoo eedeeyeen beelahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya