4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Madaxweyne xigeenka Somaliland "Ninka QM u shaqeeya inuu $20,000 qaato, ninka aad wax u soo ururiseena uu hal dollar ku noolaado, ma mid qurux badan baa”

Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

Carwadan oo loogu talo galay in ay socoto muddo laba maalmood ah ayaa waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta qaranka oo kaashanaysa qaar kamid hay’addahaasi.

Bandhiga Carwaddan ay hay’aduhu ku soo bandhigayeen waxqabadkooda ay ka geystaan Somaliland oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Duulista, Wasiirka Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda, Wasiirka Gaashaan-dhiga, Taliyaha Ciidamadda Booliska, masuuliyiin ka socotay hay’addaha, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo waliba dadweyne aad u tiro badan.

Marwo Xaliimo Cilmi Weheliye oo ku hadlaysay afka Ururadda Caalamiga ah, ayaa sheegtay in carwaddani ay ahayd mid qiime wayn ugu fadhida dhamaanba ururadda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah.

"Carwadan qabsoomideeda waxa ka soo wada shaqeeyay, hay’addo badan dhamaantoodba waan u mahad celinayaa, waxaana ujeedadu ay tahay sidii ay hay’aduhu u soo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda" sidaas waxa yidhi wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr: Sacad Cali shire


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhoweeyey wax qabadka ay soo bandhigayaan hay’aduhu, isagoo hay’adaha ku canaantay in lacagaha ay usoo ururiyaan dadka masaakinta ah ay dib ugu baxdo iyaga.

 “ Waxa aan idiin soo jeedinayaa in lacagaha aad ka soo ururinaysaan Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo aad naga xigtaan, in wixii aad soo ururisaan ay hadana dib idinka idiinku baxdo, waxa aan leeyahay waar umadda aad wax u soo ururiseen waa umadaas dhibaataysan ee aad aragtaan, in ninka UN-ta u shaqeeyaa uu 20,000 oo Dollar qaato, ninka aad wax u soo ururiseena uu 1 dollar ku noolaado, waxa aan idin weydiinayaa ilaahay baan idinku dhaarshee ma mid qurux badan baa”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.


Ugu dambeyn wuxuu yiri: "Waxaan hay’adaha caalamiga ahoow idin leennahay beesha caalamka waxaad kasoo qaadaan kala bedela oo 20% ama 30% isku filaysiiya, 70%-ka kalena umadda soo gaadhsiiya Lacagaha aad soo ururisaan ee aad ka soo qaadaan dadyowga caalamka"ayuu yidhi Saylici.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland