4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Somalia oo lagu doortay kulan uu Baarlamaanka Maanta yeeshay
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay dhowr xubnood oo ka haray dhaartii baarlamaanka, inkastoo aan la dhaarin 15-kii xubnood ee ay ku jireen hoggaamiye kooxeedyada oo kulanka maanta goobjoog ka ahaa.

Guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban min saddex xubnood oo ka yimid shanta beeleed ee baarlamaanku ka kooban yahay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:
  1. Xildhibaan Jen. Muuse Xasan Cabdulle
  2. Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud
  3. Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah
  4. Xildhibaan Axmed Cismaan Ibaahim
  5. Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
  6. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
  7. Xildhibaan Axmed Aadan Cabdiraxmaan
  8. Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
  9. Xildhibaan Axmed Aadan Axmed
  10. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim
  11. Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim
  12. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye
  13. Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim
  14. Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir
  15. Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise
  16. Xildhibaanad Muumino Sheekh Cumar
Guddigan ayaa waxaa ansixiyay 200 oo xildhibaan, hal mudane ayaa diiday saddex kalena way ka aamuseen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in guddigan ay ansax yihiin ayna howshooda wadan karaan.

Xubnaha guddigan ayaa go'aan ka gaaraya xilliga ay dhacayso tartanka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin murashaxiin fara badan oo ay ku jiraan madaxdii dowladdii KMG ahayd iyo xubno kale oo dalka dibaddiisa ka yimid.

Howlaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta Muqdisho uga billowday iyadoo baarlamaanka cusub ay horyaallaan howlo fara badan oo ay ka mid yihiin hagaajinta sharciga dalka oo xal ka gaaristooda ay baarlamaannadii hore ku guuldarreysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya