4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Xarunta Hormarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee CYD oo kulan Aqoon-isweydaarsi ah ku qabatay Degmada Balcad
arday.jpg

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

Aqoon-isweydaarsigan oo ahaa mid si weyn loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb-galeen ku dhawaad 100-dhalinyarada deegaanka ah ayaa looga hadlay “Sida loooga faa’idysan karo awoodaha ku keydsan dhallinyarada”.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha (CYD Somalia) Muusa Yabarow isagoo ku dheeraday muhiimada ay leedahay ka faa’iideeysiga awoodaha ku keydsan dhalinyarada xusayna haddii loo adeegsado sida ugu haboon looga faa’iideysan karo dhinacyo badan sida: waxbarashada, dhaaqalaha, ganacsiga, beeraha, kaluumeesiga, siyaasadda, amaanka iyo horumarinta bulshada ku nool degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo guud ahaan dalka oo dhan.

arday2.jpg

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Yuusuf Cabdi Cabdulle isagoo tilmaamay inay wanaagsan tahay in dhalliyaradu kaga faa’iideeyaan awoodaha ku jira sida ugu haboon maadama ay yihiin dhallinyaradu lafdhabarka bulshada una horseedi kara horumar.

Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Msaxamuud Saney oo isaguna aqoon-isweydaarsiga ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in awoodaha dhalliyarada loo isticmaalo sida ugu haboon oo aan loo adeegsan si qaladan oo bulshada dhib ku ah.

Madaxda dhaqanka, aqoonyahano, haweenka iyo dhalliyarada oo iyaguna hadallo ka jeediyay aqoon-isdhaafsiga ayaa xusay ahmiyada ay leedahay in loo adeegsado awoodaha ku qarsoon dhalliyarada sida ugu wacan oo bulshada wax tar u leh.

Aqoon-iswaydaarsiga ayaa ugu dambeyntii kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyadoo ay ka faa’iideen dhalliyaradii ka qeyb-gashay aqoon wax ku ool ah oo ay ugu faa'iideyn karaan bulshada inteeda kale.

arday3.jpg
arday4.jpg
arday5.jpg
arday6.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya