4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Dabley weerar khasaare geystay ku qaaday Ciidammo Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugnaa Isgoyska KM-4

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Iskahorimaad isgoyska KM-4 ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya koox hubeysan oo soo weerartay ayaa dhaliyay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigii lasoo weeraray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay siteen dhar aan ahayn kuwa ciidamada, ayna bartilmaameed ka dhiganayeen ciidamadii booliiska ee ku sugnaa isgoyskaas, iyagoo horay u qaatay laba qori oo ay ciidamadaas lahaayeen.

"Kooxaha hubeysan ee weerarka soo qaaday waxay tiradoodu kor u dhaafaysay shan qof, waxay dileen askari iyo qof kale oo rayid ah, sidoo kalena waxaa rasaastii ku dhaawacmay saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin booliiskii la weeraray," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa isgoyska KM-4 oo warbaahinta la hadlay.

Ciidammo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta ay shaqaaqadu ka dhacday iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay u baxsadeen markiiba dhinaca Tarabuunka oo waqooyi kaga beegan isgoyska KM-4 oo aad u mashquulsanaa markii uu iska-horimaadku dhacayay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd weerarka khasaaraha geystay ee lagu qaaday ciidamada booliiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn cid ay ka tirsan yihiin kooxihii weerarka geystay.

Waa markii ugu horreysay oo kooxo dhar shacabka ku labisan ay weeraraan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku howlanaa sugidda ammaanka tan iyo markii ay Al-shabaab banneysay degmooyinka Muqdisho sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya