4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo Dhaweeyay Labada Gobol ee loo qeybiyay gobolka Hiiraan
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay hadal heynta ugu badan magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo markii ugu horeysay labo loogu qeybiyay gobolka Hiiraan.

Marka aad tagto goobaha ay dadku ku kulmaan inta badan erayada dhagtaada ku soo dhacaya waxaa ay u badan yihiin gobollka cusub ee Shabeellada sare oo laga gooyay gobollka Hiiraan.

Dad isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, iyo, dhalinyarro siyaabo kala duwan ay ula hadashay HOL ayaa intooda badan isku raacay talaabada uu qaaday madaxweyne Shariif ee labada gobol loogu qeybiyay gobollka Hiiraan tahay mid soo dhaweyn mudan oo waqtigeedii aad uga soo dib dhacday.

"Gobollka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa Sideedii gobol ee dalka Soomaaliya, runtii waxaan oran karnaa mudo dheer ayuu gobollku ku dulmanaa saami qeybsiga siyaasada Soomaaliya, waayo waxaan og-nahay gobolo baaxad ahaan ka sii yar in lagu tixgalinayay labo gobol iyo ka badan, halka gobollka Hiiraan waligii uu u taagnaa hal gobol oo kaliya," ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahannada magaalada ku sugan oo la hadllay HOL.

Sidoo kale odayaal iyo waxgarad iyaguna ka hadllay aragtidooda wareegtada ka soo baxday madaxweynaha ayaa sheegay ay fursad weyn u noqon karto dadka ku dhaqan labada gobol ee hadda laga dhigay gobollka Hiiraan, madaama marka la eego baaxada dhulka gobollka uu yahay mid qaadi kara labo gobol.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Baladweyne oo u warmay HOL waxaa ay sheegeen in gobollka Shabeellada sare hadda intiisa badan gacanta ku hayaan Xarrakada Al-shabaab sida xarunta gobollkaas oo noqoneysa degmada Buula-burte, iyaga oo intaa ku darray in maamulka hadda ka jira gobollka Hiiraan looga fadhiyo sidii uu gacanta dowladda ugu soo celin lahaa deegaanada hoos taga gobollka cusub oo noqonaya mid yeelan doona maamul u gaar ah.

Wareegtadii dhawaan ka soo baxday madaxweyne Shariif Shiikh Axmed lagu sheegay in gobollka Shabeellada sare uu ka koobnaan doono Buula-burte, Jalalaqsi, Maxaas, Show, Buur-weyn, Ceel-ciid, Qoryaalle, Halgan, Moqo-kori iyo Buqda. 

Halka gobollka Hiiraan uu noqon doono ama ka koobnaan doono magaalad  Baladweyne oo ah xarunta gobollka Matabaan, Jawiil, Far-libaax, Ceel-cali, Yucubkam, Beer-gadiid, Macaan-qaalle, Buuco, Abaaleey iyo Feer-feer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya