4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu saameyn ma lahan haddii Ra’iisal Wasaaraha musharrax noqday”


Arbaco, August 15, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta ka soo laabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu uga qeybgalay Shirkii waddamada Islaamka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada waxaa uu uga warramay hanjabaado loo jeediyay guddiga soo xulaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, saameynta Xukuumadda Soomaaliya ay leedahay xilliga iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii waddamada Islaamka ee uu ka qeybgalay.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga hadlay shirkiisa jaraa’id waxyaabihii loo hadlay shirkii waddamada Islaamka, wuxuuna sheegay in looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuu sheegay oo kale in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

Madaxweynaha wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kalena wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray  guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.

“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadan wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.


Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay degmooyin cusub oo lagu daray qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in arrintaas ay soo jeediso wasaaradda arrimaha gudaha, marka lagu qanco soo jeedintaasna la magacaabo. “Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyaan inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Waxaa uu ka sii hadkay Madaxweynaha saameynta ay Xukuumadda Soomaaliya ku yeelan karaan arrimaha hadda socda, wuxuuna sheegay in  xilligan aysan xukuumadda  lahayn wax saameyn ah mar haddii buu yiri uu musharrax noqday ra’iisal wasaaraha.

Golaha wasiirradu  wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin ma lahan arrimaha magacaabista degmooyinka, waligeedna shaqo kuma yeelan, teeda labaadna waxay tahay in xukuumadda aysan wax saameyn ah lahayn, aysanna soo saari karin wax qaraar ah mar haddii uu ra’iisal wasaaraha musharrax noqdo”ayuu yiri madaxweyne Shariif.


Dhanka kalena, markii uu madaxweynaha ka soo tegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan. Sidoo kale  Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]