4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay'ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho

Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Dhismaha kulliyad lagu baranayo cilmiga caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Horseed oo ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ka howlgala ayaa waxaa maanta dhagax-dhigay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, Axmed Caydiid Ibraahim

Kulliyadan cusub oo dhismaheeda ay maal-gelinayso haya'dda samafalka Turkiga ee INFAK VAKFI ayaa waxaa laga billaabay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir iyadoo ay wax ka baranayaan kulliyadan markiiba 1,000 arday.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno ka socda hay'adaha waxbarashada dalka, arday, safiirka Turkiga u jooga Somalia iyo mas'uuliyiinta hay'adaha Turkiga qaarkood.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Axmed Caydiid oo hadal jeediyay ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay howlala ay walaalaha Turkiga ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Kamaaludiin Turan oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in kulliyadan ay qayb ka tahay kaalmooyinka ay Turkigu Soomaaliya u yimaadeen, isagoo sheegay inay lagu horumarinayo waxbarashada caafimaadka Soomaaliya.

|
Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qayb-galay munaasabadda ayaa ammaanay dhismaha kulliyaddan isagoo sheegay inay si weyn uga mahadcelinayaan dowladda Turkiga dadaalka ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Maxamuud Macallin Nuur oo ka socday madaxtooyada oo iyaguna ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga kuliyadda ayaa sheegay inay tahay sare u sii qaadaysa xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu dambeyn, mas'uuliyiin ka socday jaamacadda Horseed ayaa sheegay inay soo wadeen muddo qorshaha lagu dhisayo kulliyaddan oo jaamacadda ka tirsan, waxayna xuseen inay maanta dhabowday riyadoodiid.

Waa markii ugu horreysay oo hay'ad ka mid ah kuwa Turkiga ay maalgeliso dhisme jaamacadeed, balse waxay horay Muqdisho uga hirgeliyeen dhismayaal iskuullo ay wax ka bartaan caruurta Soomaaliyeed.

|




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya