4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha dhinaca gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mark Bowden ayaa maanta ka digay in la weeraro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda Kenya oo ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa waxay dhawaanahan ka sheegayeen warbaahinta inay qabsan doonaan Kismaayo inta aysan dhammaan bishan Ogoosto.

"Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya khasaarihii dadka shacabka ahaa kasoo gaaray duqeyn maraakiib ay u geysteen magaalada Kismaayo," ayuu yiri Bowden oo ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaraya.

Duqeynta oo dhacday Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo shacab ah, iyadoo dhowr kalena ay khasaare kasoo gaareen, balse dadka ku nool degmada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayaan in xilligan ay xalaaddu tahay mid aad u deggen.

Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa ku xooggan Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay kooxdan ay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo degmadaas lagu soo qaado.

Dalalka ay ciidamadu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer sheegeen in magaalada Kismaayo ay tahay xudunta Al-shabaab iyadoo aan la qabanna aan laga guuleysan karin Al-shabaab.

Mark Bowden ayaa hadalkiisa kusoo beegmay iyadoo ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga uu sheegay in la joogo waqtigii ay ciidamadooda ka midka ah AMISOM qabsan lahaayeen Kismaayo.

Dhinaca Al-shabaab ma jirto hadal kasoo baxay oo ku aaddan dingiinta ku aaddan inaan la weerarin xiligaan magaalada Kismaayo, taasoo Bowden uu ku macneeyay inay ka dhalan karto dhibaato bani'aadamnimo oo xoog leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya