4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2012
Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Shaqaaqo xoogan ayaa ka taagan magaalada Johannsburg ee dalka Koonfur Afrika ka gadaal markii ay is risaseyn muddo socotay dhex-maray Soomaali iyo Itoobiyaan magaaladaas kuwada nool, halkaasoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaar ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa iyo kuwo socota ah.

Boqolaal booliiska dalka Koonfur Afrika ah ayaa ku baxay joojinta shaqaaqo culus oo xalay saqdii dhexe ka socotay magaalada Johannesburg iyadoo gacan ka hadalku uu u dhexeeyay Soomaalida iyo Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya.

Illaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta in dhamasho ay jirto iyo in kale balse warar qaar oo aan helayno ayaa sheegaya in halkaasi lagu burburiyay hanta badan oo ay Soomaalida leedahay kuwo kalena la dhacay.

Shaqaaqadan ayaa waxay ka dhacday xaafada Mayfer oo ay Soomaalida aad u degto waxaana hadda goobta ku sugan ciidamada ka hortaga rabshada kuwaasoo dhex-galay dhinacyadii dagaalamayey; dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa noo sheegay inay jiraan dad loo xiray dhacdadan.

"Dagaalku wuxuu ka billowday duulaan ay Itoobiyaanku ku qaadeen Soomaalida ku nool xaafaddda Mayfer iyadoo mar qura oodda looga qaaday rasaas aan loo meel-dayin," sidaas waxaa saxafaada u sheegay mid ka mid ah odayaasha Soomaaliya ee ku nool deegaankaas.

Gawaari iyo ganacsiyo badan ayaa cagta la mariyay labada dhinacba, iyadoo sidoo kale la isku adeegsaday dagaalka kaddib ay halkaas ka billaabatay in la is-tuuryeeyo, boqolaal dad ah ayaa labada dhinacba ka qeyb-qaadanayay rabshada  oo u eg mid faraha kasii baxaysa.

Tani ayaa dad badan ku tilmaamen nasiib-darro iyadoo saraakiisha booliska Koonfur Afrika ay baarayaan cidda dagaalantay iyo sababta dagaalka keenay; sidoo kale waxay su’aalo ka taagan tahay sida lagu helay hubka ay labada dhinac ku dagaalamayeen.

Waa markii ugu horreysay oo shaqaaqo is rasaaseyn dhex-marto Soomaalida iyo Itoobiyaanka ku nool Koonfur Afrika, waxayna tani cashar u tahay kooxaha dhaca iyo boobka u geysanaya dadka qaxootiga ku ah Koonfur Afrika.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika