4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2012
Golaha Ammaanka ee QM oo mar kale u digtay Kooxo uu ku sheegay Qaswadayaal ka soo horjeeda kala guurka Soomaaliya

Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin u jeediyay kooxo la sheegay inay caqabad ku yihiin qorsha looga gudbayo xilliga kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Bayaan ay soo saareen dalalka joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in golahu uu uga digayo kooxaha caqabada ku geeddi socodka nabadda Soomaaliya inay sii wadaan ficilladooda.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in digniintan ay ku socoto kooxaha dalka Soomaaliya ka wada amni-darrada oo ay ka mid yihiin Al Shabaab iyo kuwa kale ee an doonayn in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad midnimo Qaran oo dalka oo dhan gacanta ku dhigta.

Golaha Ammanka ayaa caddeeyay inuu tallaabo deg-deg ah ka qaadi doono koox walba oo isku dayda inay ka qeyb-qataan burburinta dadaallada la doonayo in lagu soo gaba-gabeyo nidaamka KMG ah ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore u digtay kooxaha ay ugu yeerto inay yihiin qaswadaal, kuwaasoo ay ku jiraan shaqsiyaad, inkastoo aanay marnaba carabka ku dhufan magacyadooda, balse la sheegay in tallaabo adag laga qaadayo.

Digniintan ayaa imaanaysa xilli ay maalmo yar ka harsan yihiin 2-0-ka Ogoosto oo uu ku eg-yahay xilliga ay shaqeynayso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo xilligaas kaddib la geli doono doorashooyin lagu soo dooranayo madaxweyne cusub oo uu dalku yeesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya